Golaha wasiirada oo ka shiraya xaaladda Cakiran ee ka taagan shir xafladd saaka Booliisku ka hor istaageen sadexda Musharax ee Kulmiye ku tartamaya
Hargeysa(GNO) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa saaka kulan deg deg ah isugu yeedhay Golaha Wasiiradda, kadib markii uu xalay amar ku bixiyey inaan huteelada Hargeysa lagu qaban xaflad ay soo qaban qaabiyeen sadex musharax oo doonaya inay la loolamaan Muuse Biixi iyo Saylici oo xulafaysi ah.
Illaa hada lama garanayo Natiijadda ka soo baxday shirkaas iyo waxay labada dhinac kaga wadahadleen, laakiin waxa so baxaya warar sheegaya in dood culusi ka dhex socoto, maadaama Golaha wasiiraddu ku kala qaybsan yihiin Musharaxnimada Kulmiye isla markaana Wasiiro ka tirsan Goluhu ay u taagan yihiin Madaxtinimada.
Kulanka saaka ayaan la filayn inay wax natiijo ahi ka soo baxdo maadaama kulamo hore oo ay labada Garab ee Kulmiye isku hayaa ku yeeseen guriga Madaxweyne ku-xigeenka, kuwaas oo uu Saylici maarayn kari waayey.