Muqdisho(Haldoornews)-Waxaa xalay Diyaarad nuuca xamuulka qaado ah ay ku dhacday Deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana Diyaaradan Mudo daqiiqado ah kahor inta aysan dhicin ay dul hee haabtay Hawada Magaalada muqdisho.
Diyaaradan ayaa ku dhacday Deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana diyaarada dhacday lagu soo waramayaa in ay xamuul u siday Ciidamada AMISOM sida aan Wararka ku helnay.
Diyaarada ayaa ku guul dareesatay in ay caga dhigato garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in cagaha u bixi waayeen Diyaarada halka warar kalana sheegayaan in xiliga oo habeen ah aygeyd ay ku dagi weysay garoonka.
Sida aan Wararka ku heleyno Diyaarada waxaa laga leeyahay Dalka Masara, shaqaalaha saarnaa diyaardaaasi oo gaaraya ilaa lix qof ayaa ka bad baaday shilkaasi marka laga reebo in midkood dhaawac soo gaaray, waxaana shaqaalahaasi magacyadooda lagu sheegay Taariq Bayonmay,Saalax Cabdi Saadaq,Maxamed Subxi,Axmed Baradaj,Calaa Raflax iyo Shaxata Shanon.
Diyaarada ayaa lagu wadaa in laga dajiyo xamuulkii saarnaa ee u rarnaa Ciidamada AMISOM, waxaana shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi hada lagu hayaa goob amaan ah, iyadoona la baarayo sababaha keenay in Diyaarada ay ku dagi weyso garoonka Aadan Cadde.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo saldhig ku lahaa deegaanka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa durba isku gadaamay halka ay diyaaradu kusoo dhacday, waxa ayna ciidamada xireen halka ay diyaaradu ku dhacday.