Xildhibaan shaaciyey in Muuse Biixi dalkii inqilaab ku qabsadey,Amina-weris & Saylacina saacideen
https://youtu.be/x34WnW4YBEY
Hargeysa(GNO)October-31-2015- Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa ku dooday in guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo garab ka helaya madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu faro galiyay hawlaha dawladda, isagoo tilmaamay inuu hanaan inqilaab u muuqata ula wareegay awoodda madaxtooyada.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo wakiillada ka tirsan, ayaa sheegay in astaamaha muujinaya in guddoomiyaha Kulmiye la wareegay awoodda madaxtooyada ay ka mid yihiin wefti Ethiopia ka yimid oo uu madaxtooyada kula kulmay, halkii xukumaddu kala kulmi lahayd iyo sidoo kale inuu kala shaandhaynayay dadka danaynayay inay buuxiyaan jagooyinkii wasiiraddu iska casileen.
Waxa uu ku dooday xildhibaanku in xukumadda haatan jirta ee ka dambeysaysay iscasilaaddii wasiiradu ay tahay mid inqilaab dadban ku timid. Waxa uu sheegay inaan xukumadda lagu kalsoonaan karrin, islamarkaana aanay dalka doorasho gaadhsiin doonin.
Hadalka Mudanahan ayaa imanaya xilli guddoomiyaha Kulmiye hantiday kalsoonida madaxweyne Siilaanyo iyo badiba xubnaha xilalka ka haya xukumadda, islamarkaana uu meesha ka saaray wasiiraddii hore ugula loolami jiray musharaxnimada iyagoo golaha wasiirada ku jira.