Somaliland oo maanta jirta muddo ku siman 25 sano jirtay ayaanay wali gobalada iyo degmooyinka dalka wada gaadhi maamulka iyo adeeygii looga baahan guud ahaan degmooyinka iyo gobalada dalka waxaana tusaale kooban u ah degmada Mandheera ee gobalka Saaxil oo ka mid degmooyinka salka u ah dawladnimada iyo dib heshiistii beelaha somaliland ayaa xilliga far madhan ka tagaan qaara ka mid adeegyadii asaasiga ahaa , sababta u wacan oo ah inay degmada bulshada iyo siyaasiga ka soo jeeda ay noqotay inay ka gaabsada baahiyaha iyo dhaliisha ka jirta deegaanka degmada xukumada kasta oo dalka soo martay ay ku xisaabtato bulshada deegaanka degmada Mandheera ee gobalka saaxil oo la yidhaahdo waa degmada boqolkiiba boqol dad ku nool waa muxaafid balse maanta taasi way soo dhaamatay bulshada ku dhaqan deegaankaas oo xilliga la joogo waxa soo ifbaxay dhibaatada ka jira deegaanka degmada Mandheera, degmada Mandheera maanta dhibaatooyinka ugu weyn waxa kaalinta ugu weyn kagga jira muranka iyo xaaladaha colaadeeda xudanta yahay muranka iyo khilaafyada xagga dhulka , waxaana todobaadkan ay ku jiro ka jiray duleedka beri ee xarunta degmada Mandheera ee Abdaal ka soco xaalada colaadeeda oo labo beelood oo wada dega deegaanka beereedka dooxa Godlay isku hayeen muran dhul beereed taas oo qarka u saaran inay keento xaalada amni daro ama ay nabada galiyadu faraha ka baxdo sahayato nafo badan,waa deegaanka kaliya ee la cidi kala saara muwaadinta ay dhex gal muraan iyo khilaafadka noocyadooda kala gedisan ee marwalaba dhexmaray dadweynaha ku nool kasta oo duunida korkeeda waxaana nasiib daro ah inanay kaba jirin degmada Mandheeera goobihii garsoorka ee dadweynaha lagu kala saari lahaa mana jirto maxkamad degmada leedahay wax shaqo ah oo dhinica garsoorka ahi kama jiro oo kala saara dadweynaha ku nool deegaankaas , waa guuldaro tii ugu weyn ee soo marta deegaan bilow u ahaa dawladnimada Somaliland oo maanta fara madhan ka tagan adeeg mihiim u ah amaanka iyo kala damabaynta hadii u qofku wayo goob u dacwoodo waa inuu gacantiisa u hagar baxaa taasina waa tallada keenta colaadaha iyo shaqaaqda maalin walba ka dhacda deegaanada Somaliland .
Waxaana u baaqi lahaa xukumada inay hoos u eegto deegaanka degmada namdheera kana hawlgasho adeegyada tirade badan ee u baahan waxqabashada inay hirgaliso sida maxkamada degmada keentana garsoorayaal xirfada sare leh ,
Xasan cali nuur
Berbera Somaliland