Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga heerka qaran kaas oo ay isugu yimaadeen
Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga heerka qaran kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda maamulada dalka, dowladda dhexe ee federalka iyo beesha caalamka.
Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Shirka waxa ayna isla fahmeen in muhiimad gaar ah ay leedahay in doorashada aan la dhaafin waqtigeeda.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka islamarkaana aan lagu mashquulin muran iyo faro isku taag taag oo dalka dib u dhiga.
Waxa uu arin wanaagsan ku tilmaamay in dalka looga tashanayo Aayaha Dalka, taladana ay Soomaaliya u taalo, inkastoo beesha caalamka uu ku ammaanay dadaallada ay ku bixinayaan Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Gobolada ayaa dhankooda ka sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa, waxa ayna Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqen in ay isku tanasulaan oo ay ka shaqeeyaan aayaha dalkeena.