Published:

12167580_532431416907255_869278473_n

Tan intii la muddeeyay shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxa bilaabmay tartan ka dhexeeya xubno u taagan jagada musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga kulmiye. Waxa ayaan daro ah in raga doonaya inay u tartamaan jagada madaxweyne ee xisbiga ay ku tallaabsadeen arrimo qaran-jab ku ah Somaliland oo u horseedi karta tartan beeleed iyo is muujin qabiil oo sharci noqota. Xisbiyada qaranka waxaynu u samaysanay in lagaga baxo qabyaalada iyo reer reerka, Kulmiye iska daa wax uu soo kordhiyee waxaad arkaysaa nimanka musharaxiinta ka ah xisbiga oo wax ku doonaya nidaam beeleed iyo reernimo qaawan oo lafjab wayn ku ah qaranimada Somaliland. Waxaad arkaysaa xubnahii golaha dhexe ee xisbiga oo warbaahinta lasoo taagan haddaanu nahay xubnaha golaha dhexe ugu jira beel heblaayo waxaanu taageernay musharax hebel. Waxaa kaloo la yaab ah in musharrax dhan oo xisbi qaran ka sharraxan uu marba odayaal qabiil metelaya uu hotel geeyo oo yidhaahdo i taageera sidii ay yihiin kuwii codka bixinayay.

Hadaba waxa maanta dhacay nasiibdaradii ugu waynayd ee ku habsata xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa dibadana usoo saartay nidaam la,aanta iyo maamul xumada hadhaysay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Siilaanyo. Barigii hore Kulmiye wuxuu caan ku ahaa inuu SHAANI qarxiyo marka uu siyaasada isku fahmi waayo, maantana waxa dhacday in rag wasiiro ah oo Xukuumada ka tirsan iyo rag Xisbiga hogaankiisa ahi ay isku adeegsadaan ciidamo RRU Police ah, waxa kasii daran in Madaxwe ku xigeenkii oo ah ku simaha Madaxweynaha uu isagii labadii garab ee is hayay dhinac ka mid ah raacay.

Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu wax badan oo cadaalad daro ah ayay dalkan ka galeen, kuwa maanta cabanayaana ay sacabka ugu tumayeen oo ay kula socdeen xaq iyo xaqdaraba, waxaan leeyahay maanta yaad u cabanaysaan, yaadse ka cabanaysaan. Waxa markiiba igu soo dhacday walee tani waaCadaalad Daradii Kulmiye Oo Cabanaysa, waxaana jirtay Maahmaah Somaliyeed oo odhanaysa (Booraan Hadimo Ha Qodin Ku Dhici Doontaana Mooyee). Waxaan umda u sheegayaa Kulmiye inaanu waxba umadan usoo wadin,iyagii wada joogay ayaan naf isku hayn oo birta iska aslaya cid kalena iska daaba. Waxa maanta cadaatay Kulmiye wuxuu yahay, Kulmiyoow Ma Waxaan Ku Mooday, Mise Waxaad Noqotay, Mise Waxaan Loo Noqon Doonin……Waxaan ku mooday Daacad, Waxaad noqotay Dulin/daaniye, Waxaan loo noqondoonin doorasho danbe. Waxan kusoo gunaanadayaa “Somaliland maanta uma baahna in dib loo celiyo oo la soo nooleeyo awooddii qabiilka iyo abaabulkii beelaha, balse  waxay u baahantay hogaamiye aragtidiisu  ku dhisantahay Aqoon, Karti iyo cadaalad”….

Mohamed Gacayte

Political Analyst

Hargeysa/Somaliland

News Related