Hargeysa(GNO) Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Ayuub ayaa Cambaareyey liiska Xubnaha Golaha dhexe ee Muuse Biixi soo saaray oo tiradoodu tahay Saddex iyo Labbaatan Xubnood, waxanay sheegen in ay cambaaraynayaa Qabyaalada Cad ee uu Muuse Biixi uu ku kacay isla markana beeshiisa uu ku tahay Golahii dhexe, waxanay sheegen in Madama oo uu Beesha Ayuub uu ka qaadiyey Xubnihii uu soo magacaabayey in iyaguna kaga jawaabayaan in aanay wax cod ah siinin Muuse Biixi Shirka Golaha dhexe.
Sidaasi waxay ku sheegen War Murtiyadeed ay soo saareen oo u dhignaa sidan. “Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxa uu xalay soo saaray liis ka kooban 23 Xubnood oo golaha dhexe ah, oo 12 Xubnood oo ka mid ahi ay yihiin Beeshiisa, waxa nasiib darro ah isaga oo doonaya in uu Madaxweyne isku sharaxo, hadana Hankiisu dhaafilayahay Beeshiisa, hadaba anaga oo ah Madaxdhaqameedka, Dhalinyarada, Aqoon yahanka Beesha Ayuub waxaanu Si cad u cambaareynayaan Liiskaasi uu Muuse Biixi soo saaray ee uu ka reebay beesha Ayuub, taasi waxay si cad noo tusaysaa in muuse Biixi na tusay halkaanu ka taagan nahay, isla markana anagu waxanu Muuse ku leenahay waxa cod oo golaha dhexe ah oo aad naga helaysaa ma jirto ku Bushaarayso, ee hadii Beeshadu ku soo saarayso ha ku soo saarto, Muusoow Maanta cid kaa baahi badani ma jirto oo adigaba Madaxweyne Raadinayee”ayaa lagu yidhi war murtiyadeedkaasi