Hargeysa(Haldoornews)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay muddo labataneeyo sano ah qirtay Weedho xajiin badan oo taariikhdiisa (C.V-giisa ) u galay oo uu si badheeda ugaga baaney Fagaare Il-yartu isqabatey xilli Dagaal sokeeye oo u dhexeeyay Mucaaradkii markaa & Maryo-aloolku dalka ka istaadhmay.
Hadalka ama weedha la qoonsadey oo uu Muuse Biixi ku duraayey Reer Abtigii ayaa ahaa “Anigoo wax dili kara Duco qaadan maayee Debci Qorigu ha I faro”.
Muuse Biixi ayaa qirtay inuu diray fariintaa,Hadalkaana yidhi,Hase yeeshee Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse ayuu ku eedeeyay inuu qaloociyey oo fasirado khaldan u yeelay warkaas.
Halkan ka daawo Hadalkii Muuse Biixi:-