Ceerigaabo(GNO)October-18-2015- Ciidamo taabacsan maamulka Puntland ayaa la sheegay inay xoog ku kaxaysteen guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland u qaabilsan gobolka Sanaag iyo laba Urur oo wacyi galinta diwaangalinta doorashada ka fulinayay degaanno dhinaca bari ka xiga Ceerigaabo.
Taliyaha maamulka Puntland ugu magacaaban bariga gobolka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur, ayaa hogaaminayay ciidanka qafaashay xubnaha ka socday ururada wacyigalinta iyo komishanka doorashada, waxaanay ku haystaan Degaanka Badhan, sida wararka hordhaca ahi sheegayaan.
Illaa hadda ma jiro warar ka soo baxay komishanka doorashooyinka Somaliland iyo xukumadda, hase ahaatee warar madaxbanaan ayaa xaqiijiyay afduubka xubnahaasi oo aan la ogayn sababta kooxdaasi u afduubatay.
Xukumadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhiiri galinaysay sidii loo dardar galin lahaa dadaalo lagu doonayo in gobolada bariga Somaliland laga hirgaliyo doorashooyinka sanadka 2017-ka ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada, waxaana maanta gobolka Sanaag ka bilaamatay wacyigalinta diwaangalinta.