Murashaxa kamid ah xubnaha loolanka ugu jiray hogaanka xisbiga Jamhuuriga (Republican Party) Ben Carson ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in qof muslim ah uusan Madaxweyne ka noqon karin dalka Maraykanka, arrintaasi oo dood horleh keentay.
Ben Carson ayaa sheegay in diinta Islaamka iyo dastuurka Maraykanka isqaadan karin isla markaana uusan qof Muslim ah xilka sare uusan qaban karin, arrintan oo uu shacabka iyo ururada Islaamka kala kulmay cambaareyn xoogan.
Carson oo kamid ah xagjirka Kirishtaanka ee xubnaha ka ah Xisbiga Jamhuuriga ayaa faah faahin waxa u diidaya muslimka inuu hogaamiyo dalka Maraykanka, iyadoo Dastuurka dalka Maraykanka qeexaya in qofka xilka qabanayo aan lagu soo xuli karin diintiisa.
Ururada Islaamka ee dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay Ben Carson inuu ka haro tartanka doorashada maadaama uu si cad uga horyimid Dastuurka dalka Maraykanka oo diidaya in dadka lagu kala sooco Diintooda.
Cambaareynta loo soo jeedinayo Ben Carson oo ah murashaxa kaliya ee Madowga Maraykanka uu u tartamaya hogaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Murashaxa kale ee Donald Trump lagu qabsaday erayo ka dhanka ah Muslimiinta xili uu khudbad soo jeedinayey Jimcihii lasoo dhaafay.