“Mar haduu hogaamiye
Loowada hanweynaa
Haramaha la tuuriyo
Huubaha la saydhiyo
Hebelada canbaarta leh
Isa soo hareer tubo
Hunge iyo inuu yahay
Nimaan hawsha wadi Karin
Waa hal lagu ogaan karo
Mar haday habaaraan
Maatidu higaad shaan
Ama hiifo kuuligu
Waa habeen madaw iyo
Gudcur soo haamaamsaday
Mana laha wax haybada
Waanuu hoodo daran yahay”
Maansadii Hogaamiye ee Abwaan Xasan Daahir (Weedhsame).
Taariikhdu Waa Maguurto laga Raadraaco Sooyaalka iyo Waayaha Nololeed Shaqsi kastaa wakhtiyadii uu soo qaatay Wanaag iyo Xumaan. Hogaamintuna Waa halka ugu Saraysa talada Dalka ee Go,aamada Umad lagu hagaa ka soo baxaan,Hogaamiyaha Wanaagsani Waa mid Haysta Jid Toosan oo qeexaya Qorshe Cad oo u Hogaansamaya Sharciga iyo Xeerarka Bulshada uyaala, si uu Shacabka u Tuso in aanay jirin Cid Sharciga ka Wayni, Waana Masuulka Hankiisu yahay inuu Hirgaliyo Himilada Shacabkiisa, waxaanu Illaahay kaga Baqaa Ammaanada Loo dhiibay.
Hogaaminta Somaliland Waa mid heerar kala gadisan soo martay,Hogaamiye kastaana Meel soo gaadhsiiyay tan iyo markii la Hirgaliyay Haykalka Dawladanimo ee Taabo galay 18 may 1991-kii markii Somaliland Xornimadeeda Dib ula soo noqotay, Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waa Hogaamiye Xilal kala Duwan ku soo Hogaamiyay Shacab reer Somaliland Tan iyo Halgankii Dib uxoraynta Dalka isaga oo ka mid ahaa Asaasayaashii SNM balse aan Dhamaystirin Hankiisa iyo Hadafkiisii Hogaamineed.
Axmed Waa Hogaamiyihii ugu muddada dheeraa Xilka Gudoomiyaha SNM soo hayay intii halganka lagu jiray, Waxaa Lagu Xasuustaa Taariikhda oo Saaxiibadii ku Dhaliilaan Go,aan Qaadasho la,aan iyo Dhamaystir la,aan Hadafyadiisa Siyaasiga ah ee uu Umad ku Hogaamiyo, Waxaana la Xusi karaa Cadaalad Darooyin iyo Tacadiyo ay Tirsadaan Mujaahidiintii ay saaxiibada ahaayeen wakhtigii Halganka, kuwaasi oo Qaarkood ku Doodaan in uu Caqabad ku ahaa halkanka SNM intii uu Hogaanka hayay oo Gabbood Fallo badani ka dhex dhaceen Ciidamadii Jabhada SNM , Waakan Abwaan haybe Faarax Nuur oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Duurka ugalay Dib uxoraynta Dalka oo Weedho ku Cabiray Hogaamintiisa iyo Hadafyadiisii ugu Waawaynaa Wakhtigii Halganka “Taliskii Siyaad iyo Markaan Faqash Tacaalaynay, Talla Xumadu Waa wuxuu kugu Badalay Tuurba barigiiye, Taariikh ururro kale leeyahaa soo Turjumataaye, Tagisteeda Xamar Waad jeclayd tan iyo Waagii”
Waxaa Sooyaalka Taariikheed ee Somaliland ku jirta jidkii uu umaray Go,aan Qaadashadii Dalka lagu Soo galay Alle ha unaxariistee C/raxmaan axmed Cali (C/raxmaan Tuur) iyo Hankiisii ahaa in Dalka la Xoreeyo, Halka uu axmed Siilaanyo Dalka ka Dhoofay Wakhtigaasi. Marka laga Tago Xilal Wasiir oo uu ka soo qabtay Dawladii Alle ha unaxariistee Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal, waxaa Shaaca ka Rogay Wajiga dhabta ee Axmed Siilaanyo siddeedii Sanno ee uu Mucaaridka ahaa iyo Shantii Sanno ee uu Xilka Madaxtinimada Dalka hayay oo Faraq aad uwayni ka soo baxay isla markaana Waji aad u kala Fog ummada Somaliland ku Bartay marka laga eego Hogaamintiisa iyo Balanqaadyadiisii wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, taasi oo ay dheertay Awood la,aan dhinaca Da,da ah oo u nuglaysay in xilkiisa ay ka Faa,iidaystaan Xubno aan Nasteex u ahayn oo Magaciisa Dilay isla markaana Dhamaystiray Barashada wajigiisa Dhabta ah.
Axmed Siilaanyo intii uu Mucaaridka ahaa Waxa uu Sameeyay Balanqaadyo Tiro badan oo Badankoodii Beenoobay, waxa uu Buriyay Balanqaadyo uu Fagaarayaasha kaga Faani jiray oo ay ka mid ahayd Furitaankii Idaacadaha Madaxa Banaan, Xukuumadiisu waxay ku Talaabsatay intii uu Xilka hayay Talaabooyin Dhaawac ku ah Dhawaaqyadiisii hore kuwaasi oo marwalba ka qaylin jiray in Xukuumadu (Udub) ku kacdo, Taasi oo ay ka mid ahayd Faragalinta Golayaasha Qaranka, Garsoorka, Xadhiga Suxufiyiinta iyo Bulshada Qaybeheeda kala Duwan ee loo Xidho Cabirka Fikradahooga Aasaasiga ah.
Axmed Siilaanyo Mar kasta oo uu Xil Qabto waxa uu Waayaa Saaxiibaddiisa dhabta ah ee Dhib iyo Dheefba ay soo wadaageen, waxaanu Talada ka Qaataa ummadda in gaar ah oo awoodaha Sharcigu Siiyay si Qaldan uga Faa,iidaysta, isla markaana la Wadaaga Go,aamada Hogaamineed ee talada Dalka uu ka qaadanayo, Abwaan weedhsame ayaa waxa uu yidhi
“ Himilada dad leeyahay
duul baa usoo hadha
Hawadoodu been iyo
Damac iyo hunguri tahay
Hilinkay kuseegaan
Harawsiga is moosiis
Dadna way haleeyaan
Dad ma kala hambaystaha
Danta uma hagoogtaha
Maantada habaaskiyo
Halasuhu ku yuu raro
Iyagoo habeen qada
Codka ii hibeeyiyo
La dhax tagay hinaasuhu
Ma hogaamiyuu noqon?
Sumadaha hogaamiye
Lagu hayb yaqaanaa
Waa hayaal samaantiyo
Kibir laga hayaamiyo
Huwashada xaqiiqdiyo
Habka dhaqan adoonimo
Hogashada Ilaah garad
Dadka kiisa hodanka ah
Iyo hebelka caydha ah
Ama kiisa hanadka ah
Iyo sooma hoydaha
Hadda uuni sudhantahay
Waa hadhaca ay eegtaan
Kudarsoo hadhkiisana
Hormo gaara baan dagin
Hugga suudh nin qaatiyo
Inta shaalka haysuun
Hadda hadalka kama guro
Inta hayla duugiyo
Calal hoolmay sidatiyo
Danyaraha hal soo biday
Hadda heegan kuma diro
Ka hiroo udiidoo
kadinkiisa ku handada
kabo qaadku heestiyo
haaheeyda kuma sabo
dadka oo haraad qaba
sicir bararna heemiyay
guulwade habawshaa
ka hoostiisa kama tumo
heelada barwaaqada
La Soco Qormada labaad
Qalinkii: Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)