Hargeisa (Haldoornews) Abwaan xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa Maaso ku Cabiray Dareenkiisa ku Aadan Salaadiinta iyo Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee ku baaqaya Dhiig Daata iyo dagaalka isla markaana Hogo tusaaleeyay in ay Xadkoodii ka Gudbeen waxaanu yidhi Abwaanku
Ma xidaaradii
Xurguftiyo fidnada
Xallin jiri jiraa
Xansas ii bedelay?
Ma raggii xulkii
Xeer-beegtidii
Xigto kala gurkeed
Ka xishoon jirtaa
Xiiq-beerayaal
U xaraaro qaba
Dhiig iyo xinjiro
Ka dhaxleen xilkii?
Xeer dhaqan yaqaan
Xaruntuu fadhiyey
Ma nin xaytayoo
Xulad daba sitaa
Maantaba xukuma?
Nin xumbaynayoo
Xabbadaa la ridi
Ku xabeebayaa
Ma suldaan xillaa?
Nin xasaanaddii
Xeer beegtinimo
Xejin weydayoo
Xadhko goostayoow
Xubintuu nafluhu
Kugu xeerin laa
Ka xagaa baxdee
Yaad xidhe u tee
Kula qaba xiqdigan
Xinjir daadiska ah?
Nimu xaal qabtoo
Xayndaab le baa
Samo loo xishaa
La xariir yahee
Nabadoon xintimay
Jecelaa ximraha!!
Dadku xoolihii
Xeryo kala qoqoba
Lagu xidhi ogaa
La xuquuq miyaa?
Xis miyaanay layn
Xiir oo sunnaha
Igu raac xasarad
Xag-jirkaan aqbalin.
contact@haldoornews.com