Published:

Muqdisho(Haldoornews)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Cali Jaamac (Jangeli) ayaa Maanta Shaaciyay inay diyaar u yihiin in ay Hay’adda Duulista Hawada Somalia oo hadda ku shaqeysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lasoo Wareegaan, Laakiinse weli ay ku jiraan Diyaar-garowgii ay kula soo Wareegi lahaayeen.

Jangeli oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in Qorshaha lasoo Wareegista hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya uu si wanaagsan u socdo, ayna hadda ku jiraan diyaarinta shaqaalihii ka howlgeli lahaa iyo Qalabkii lagu shaqeyn lahaa.

“Halkan (Somalia) ayaan doonaynaa in laga maamulo hay’adda Duulista Rayidka Somalia, Laakiinse shaqaalihii iyo Qalabkii lagu Shaqeyn lahaa ayaan weli diyaar noo ahayn, Hadda ayaanan ku jirnaa diyaarintooda,” ayuu Wasiir Jangeli ku yiri Wareysiga.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in garoomada diyaaraduhu ay hoos-imaan jireen Hay’adda Duulista Hawada, isagoo intaas ku daray in Garoonka Muqdisho lagu Wareejiiyay Shirkad Turkish ah oo dhismo ku wadda, sidoo kalena Dhaqaalaha Maamusha.

Mar la Weydiiyay Wasiirka Su’aal ahayd sida loo Maamulo Dhaqaalaha Duulista Hawada gaar ahaan (Civic Aviation-ka) kasoo gala Somalia, taasoo Shaki laga Muujinayo halka ay ku baxdo iyo sida loo maamulo, wuxuuna ku Jawaabay.

“Dhaqaalahaas Waxaa maamula Qolyihii horay u Maamuli jiray, Laakiinse Wasiirradii iga Horreeyay ayaa Heshiisyo la galay, Waxaana Xilligan lagu bixiyaa Horumarinta Waaxda duulista rayidka ah ee Hawada Somalia. Runtii Lacagahaas markii Hore sida ay ku baxdo waxaa maamuli jirtay CACS oo ka tirsan hay’ada UNDP, kuwaasoo dhawaan Qoraallo ku saabsan sida ay u maamuli jireen noosoo Bandhigay.”

Wasiirka ayaa intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya ay Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somalia ay yeelan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana loo Adeegsan doonaa Dhaqaalaha kasoo baxa Barnaamijyada Horumarineed ee Socda.

Cali Jangeli ayaa waxaa kaloo la Weydiiyay su’aal ahayd; Qalabkii lagu Shaqeyn jiray ma la Bedelay mise iyagii ayaa Weli lagu Shaqeeyaa, Wuxuuna Wasiirku ku Su’aashaas kaga Jawaabay.

“Hadda uun baa la Sameynayaa. Qalabka la keenayana Waa Qalab aad u fiican oo casri ah oo laga dalbay Dalka Talyaaniga. Waxaana la sameyn doonaa laba xarumood oo laga hagi doono hawada, kuwaas oo Midkood ay noqon doonto Muqdisho, Midka kalena Waxaanu Jecelnahay in marka Wadahadallada Somaliland ay Dhamaadaan laga sameeyo Hargeysa, Xarumahaasna aad ayaa loo Qalabeyn doonaa.”

Waxaa kaloo Wasiirka Duulista la Weydiiyay Qalabka hadda lagu shaqeeyo, isagoo xusay inuu yahay mid Diyaaradaha Muqdisho imaanaya oo keliya lagu soo Dajiyo, Laakiinse ay doonayaan in la sameeyo Hay’ad Duulis oo Diyaaradaha Soomaaliya soo Dul-mara oo ay ku jirto kuwa Badweynta oo ay Soomaaliya Qaabilsanayd Weligeed laga Hago Xamar.

Dhanka kale, Jangeli ayaa la weydiiyay su’aal ahayd; Maadaama uu hadda yahay Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Waxbana aanay Faraha ugu jirin maxaad ku Shaqeysaa oo ay Mas’uuliyaddaadu tahay, Wuxuuna ku Jawaabay.

“Mas’uuliyaddeydu Waxa weeye sidii wax loo Hagaajin lahaa, Shuruucdeedii loo Sameyn lahaa, xarun loo dhisi lahaa loona soo Wareejin lahaa hay’adda duulista, waxaana innaga na Saaran Ma’suuliyad Qaran oo ah sidii loo soo Wareejin lahaa Hawada Somalia. Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay arrintaas u xil-saartay Wasaaradeyda, si Hawada Somalia looga Maamuli lahaa Gudaha dalka.”

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa la weydiiyay halka laga keeno mushaarka la siiyo shaqaalaha u Shaqeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS, wuxuuna ku hawaabay inay Shaqaaluhu yihiin Shaqaale Dowladeed, Balse ay laba Qaybood u Qaybsamaan; kuwaasoo qaarkood u shaqeeyaan Wasaaradda, halka kuwa kalena ay u shaqeeyaan Hay’ada duulista Dhammaantoodna waxaa mushaarkooda bixisa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

News Related