Published:

dalmarSidaadii aannu salaaddii casar uga baxnayba, waxa aannu ku dhacnay laba gaadhi oo bannaanka noo yaallay. Waa Hargeysa iyo caadkeed oo wakhtiga afurka ka hadhay waxa lagu sugaa daawashada ciyaaraha kubbadda cagta ee ka socda garoomada kala duwan ee magaalada ku yaalla. Waxa aannu u kacnay dhankii garoonka weyn ee Istaadiyomka Hargeysa oo dhawaan uun si layaab leh loo qurxiyay, lana dhigay roog cagaar ah oo barbaarta ciyaaraysa iyo daawadayaashuba aad ugu ildoogsadeen. Cabbaar markii aannu sacab iyo orba ku taageernay kooxdii dharka casayd ee ciyaarta wadatay, ayuu mar qudha telefoon ku soo dhacay Raage oo garabkayga fadhiyay . Show cidda la hadlaysaaba waaba wasiirkii oo nagu wargelinaya in uu nagu sugayo hudheelkii uu cashada noogu diyaariyay. Rag la casuumay baannu ahayne markiiba waxa aannu iska xaadirinnay bartii ballantu ahayd, halkaasi oo aannu kula kulannay dad badan oo iyagana sidayada oo kale goobta lagu martiqaaday. Dadku waa wada qurbejoog ku gaadhan moobilo waaweyn iyo muraayado madmadow. Raggu badi waxa ay sitaan macawiso iyo go’yaal shaal ah, halka dumarkuna si wacan isku soo bileen, iyaga oo carruurtoodii oo ladnaansho badan ka muuqdo wata. Hoolka casuumaddu ka dhacayso waxa albaabkiisa hore ku dhegan qoraal far waa weyn lagu dhigay oo sidan u dhignaa, ‘’ Only for Diaspora’’, taasi oo micnaheedu yahay, casuumaddan waxa loogu talogalay uun qurbejoogta.

Kolkii la gaadhay wakhtigii cashada ayaa la iska wada xaadiriyay hoolkii na loo sii diyaariyay. Dadku way tiro badan yihiin, waxaanay ka kala yimaaddeen waddama kala ah; UK, Sweden, Norway, USA, Norway, Holland iyo in yar oo ka timid Sucuudiga. Martidii mid ka mid ah ayaa yidhi, ‘’ Oo afarteenna uun baan moodayay in uu wasiirku casuumee, show waa la dhan yahay!’’ Mid kale ayaa isna u jawaabay oo yidhi, ‘’ Maxaad u kala reebaysaa dadka adigu? Inta halkan joogtaaba waa intii wasiirka sida fiican u soo dhawaysay safarkiisii ugu danbeeyay ee uu Yurub iyo Maraykan ku marayay. Wasiirka deyn baa lagu lahaaye, intan iyo in ka badan ba waannu ka sugaynaa.’’ Kulan ujeeddo durugsan leh muu ahayne, waa la afuray, oo la casheeyay. Waxaana la wadaagay sheeko iyo kaftan xiiso badan. Markii la gaadhay gebogebadii kulanka, waxa wasiirkii u yimid wiil shaadh cad iyo surwaal madow xidhan oo buug iyo qalin sita, kana socda shaqaalaha hudheelka. Waxaanu wasiirkii ku yidhi, ‘’ Mudane wasiir, waxa aan kuu sidaa biilkii.’’ Wasiirkii ayaa inta uu dhinacyada iska eegay la soo baxay warqad ugu jirtay shandaddiisa. Waxa ay ahayd jeeg ay ku saxeexan tahay wasaaraddiisu. Inta uu qaddarkii lacagta ku qoray, saxeexna uu u raaciyay ayuu ku yidhi, ‘’ Hoo adeer. Jeegan qaad si aad berri bangiga dhexe lacagta ugu doonataan.’’ Nin reer Landan ah oo wasiirka daba fadhiyay ayaa inta uu hareeraha iska eegay ku yidhi saaxiibkii oo ag fadhiyay, ‘’ Waar Cali, wasiirku ma isagaa jeebkiisa inaga casuumay mise qasnadda dawladda ayuu gacanta inoo galiyay?.’’ Cali baa inta uu qoslay ugu jawaabay, ‘’ Waar ninyow waa lagu casuumaye adigu hadalka badan jooji. Wax qurbejoogta oggol ba isaga iyo laba wasiir oo kale ayaannuba haynaaye.’’, Maan rag waa mudacyo afkoode, Faarax oo la yaabban saaxiibkii Cali ayaa ugu halceliyay, ‘’ Dhega! Mushaharkiisuba ma isagaa dhan intan aynu caawa cunnay. Kol haddii aanay jirin cid wasiirka iyo mid kale toona xisaabinaysaa sow gar umuu yeelan in uu sida uu doono ugu tagrifalo xoolaha ummadda, ee ah cashuurtii masaakiinta bacadka fadhida laga soo ururiyay. Innagu dad wax haystaynu ahayne kulankeenna waxaa ku filnaa isaga oo shaah iyo sharaab innoo qaada. Xoolaha badan ee aynu caawa halkan ku burburinay haddii lagu afurin lahaa dadkeenna baahan, iyaba meel weyn bay buuxin lahayd.’’,

Markii aannu sidaa uun uga soo baxnay hudheelkii, ayaa meel afaafka hudheelka ah waxa gaadhigayagii iyo kii wasiirka oo isku xigay na istaajiyay askartii ilaalada ka ahayd hudheelka. Intii ay askartu nala hadlaysay ayay baabuurkii wasiirka daaqaddiisii bidix soo istaagtay hooyo dawarsanaysa oo ilmo yar dhabarka ku sidata mid kalena gacanta ku jiidaysa, ‘’ Hooyo wax na sii liibaane.’’ Ayay si naxariis leh islaantii ugu tidhi wasiirkii oo dhankeeda soo xigay. Inta uu muraayaddii dallacday ayuu ku yidhi, ‘’ Ilaahay ha inna siiyo.’’……………
La soco………..

Muuse M. Ciise ( Dalmar )
musa.m.isse@hotmail.com

News Related